DEG DEG: Sirdoonka Soomaaliya oo sheegay in la dilay Madaxii amniyaadka Al Shabab

Sirdoonka Soomaaliya ayaa goor dhaw shaaca ka qaaday iney howlgal mideysan ku dilen madaxii Amniyaadka Al Shabab Yuusuf Xajji sida NISA ay ku qortay bogga Twitterkeeda.

NISA waxa ay sheegtay in Yuusuf Xajji lagu dilay howlgalkasi isbuucii hore oo ka dhacay deegaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeelada Hoose.

Al Shabab weli kama aysan hadlin warkan sheegaya in Howlgal culus lagu dilay madaxii sirdoonka Al Shabab Yuusuf Xaaji oo aad ugu dhaw Hogaamiyaha Al Shabab Sheekh Abuu Cubeyda sida NISA ay sheegtay.