DEG DEG:-Saldhig Ciidamada AMISOM leeyihiin oo qaraxyo lagu weeraray

War Goordhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay marka hore weerarka ku bilaabeen laba qarax oo loo adeegsaday Gawaari laga buuxiyey waxyaabaha qarxa,sida ay dadka deegaanka Dalsan u sheegeen.

Dhawaqa jugta qaraxyada ayaa laga maqlay deegaanka Buulo Mareer ee Shabeellaah hoose waxaana xigay rasaas ay isku ridayaan Al-Shabaab iyo Ciidamada AMISOM.

Al-Shabaab ayaa Baraha ay Wararka ku qoraan waxa ay ku baahiyeen in deegaanka Buula Mareer uu kas ocdo dagaal u dhaxeya iyaga iyo Ciidamada AMISOM.

Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media