DEG DEG: RW Cumar Iyo Wafdi Uu Hogaaminaayo Oo Goor Dhaweyd Gaaray Gaalkacyo

Wafdi uu hogaaminaayo Ra’iisulwasaaraha soomaaliya cumar cabdirashiid cali sharma’arke ayaa safar aan la shaacin waxaa ay goor dhaweyd ku tageen magaaladda gaalkacyo.

Wafdi ra’iisulwasaaraha waxaa kamida Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed soomaaliya Shariif Xasan sh Aadan.

Ujeedka safarka ayaa ah in wafdiga ay kulamo la qaataan dhinacyadda ku dagaalamay Magaaladda Gaalkacyo.

Safarka wafdiga Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa kusoo beegmayaa iyadoo uu madaxweynaha Jubaland Axmed Madoowe uu ku sugan yahay Magaaladda Garowe.

Faahfaahinta Halkan Kala Soco:

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor