DEG DEG:-Ra’iisul Wasaarihii Itoobiya oo Is casilay

Tv-ga Qaranka Itoobiya ee EBC TV ayaa baahiyay Goordhow in uu is casilay Ra’iisul Wasaarihii dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Qoraal ay daabacday BBC monitoring,ayaa iyada oo soo xiganeysay Tv-ga Qaranka Itoobiya waxa lagu sheegay in Hailemariam Desalegn uu is casilay.

Hailemariam ayaa waxa uu hayayxilka  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo xilka Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee EPRDF,isaga oo labadaasi jago iska casilay.

Lama oga waxa soo dedejiyay  is casilaadiisa balse uu jagada xilka Ra’iisul Wasaaranimo uu hayay 21 September Sanadkii 2012 kadib geeridii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Miles Zinawi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media