DEG DEG:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqday Xeebta liido+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo qaar ka mid ah Xubnihiisa Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Goordhow gaaray Xeebta liido ee degmada Cabdul Casiis ee gobolkaan Banaadir.

Booqashada ayaa Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehliya xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Cadaalada Xasan Xuseen Xaaji iyo Xubno kale.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili Xukuumadiisu ay wajaheyso caqabadii ka dhalatay wareejintii dowladda Somaaliya ay Itoobiya ku wareejiyeen Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa madaxda Ururka ONLF oo dagaal kula jira dowladda Itoobiya.

Sidoo kale todobaadkii la soo dhaafay ayaa sidaan oo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu booqday Xeebta liido halkaas oo uu Kubad kula ciyaaray qaar ka mid ah dhalinyaro Xeebta ku sugneyd.

Hoos Ka Daawo Sawiiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media