DEG DEG:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Berri ku wajahan Magalada Hobyo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa markii ugu horeysay Maalinta berrito ah waxaa lagu wadaa in uu tago Magalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa Idaacadda Dalsan ee Muqdisho waxa ay u xaiijiyeen in Maalinta Berrito ah uu u imaanayo Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayaan Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya.

Xasan Cali kheyre ayaa ujeedka safarkiisa ee Hobyo waxaa lagu sheegay in uu ka qeyb galayo Munaasabado xariga looga jarayo mashaariic kala duwan oo laga hirgelinayo Magalada Hobyo oo ay Wadooyin ku jiraan.

Caawa ayaa lagu soo waramayaa in Magalada Hobyo laga dareemayo diyaar garow ku aadan soo dhaweyenta Berri ee Ra’iisul Wasaare Xaan Cali Kheyre.

Wixii safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Magalada Hobyo ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com.