DEG DEG :Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la leh Saraakiisha Amniga Soomaaliya

War hada soo gaaray Warqabadka radio Dalsan Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in kulan deg deg ah uu Xafiska ra’iisul wasaaraha uga socdo dhamaan Saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Kulankaan oo ahaa mid deg deg ah ayaa waxaa furay ra’iisul Wasaare xaan cali kheyre waxana ku sugan dhamaan taliyaasha ciidamada Nabad-Sugida, Booliiska,Meleteriga iyo sidoo kale gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in saraakiisha Ciidamada Xasilinta amniga Muqdisho ay qeyb ka yihiin kulankaas.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya laba Malin kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Pizza House oo aheyd  Goob ay dadka ku caweeyaan.

Wixii kulankaas ka soo baxa kala socda radiodalsan.com