DEG DEG: Qiiq ayaa lagu arkay gudaha suuliga Diyaarada Masar ka hor inta aysan burburin

Warbixino cusub ayaa sheegaya iney jiren qeylo dhaan ku saabsan qiiq lagu dhex arkay suuliga iyo qol ku yaala gudaha diyaarada maalintii Khamiista ka hor inta aysan burburin.

BBC ayaa sheegeysa in Saraakiisha Faransiiska ay u xaqiijiyen Wakaalada AFP in data la helay ay muujisay warbixintan cusub.

Diyaarada ayaa Shalay la xaqiijiyay iney ku burburtay meel ka baxsan biyaha magaalada Alexandria ee dalka Masar.

Diyaarada waxa saarnaa 66 ruux oo ay ku jiren seddex caruur ah sida laga soo xigtay saraakiisha Dowlada Masar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor