DEG DEG: Qarax Xoogan oo laga maqlay agagaarka Hotelka Jubba

Qarax Xoogan ayaa imminka laga maqlay agagaarka Hotelka Jubba Ee Magaalada Muqdisho.

Rasaas badan ayaa la maqlay Qaraxa kadib waxana goobta gaaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ugu yaraan 4 ruux oo uu ku jiro Hal Askari ayaa halkasi ku geeriyootay 6 kalena waa ay ku dhaawacmen sida sarkaal ka tirsan dowladda laga soo xigtay.