DEG DEG:-Qarax xoogan oo ka dhacay M/Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan wararka ka soo gaaraya radio dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow halkaasi uu ka dhacay qarax kaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay Maqaayad ku taalla afaafka hore ee Xarunta Maamulka Gobolka Hiiran, oo ay ku sugnaayeen dad aad u farabadan, kaas oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha Magaalada Baladweyne.

Wararka hordhaca ah oo ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayan in qaraxaas ilaa 5 ruux ay ku geeriyoodeen dhaawacuna uu intaas ka badan yahay sida uu Dalsan u sheegay qof ka mid ah dadka ku nool Magaalada Baladweyne.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media