DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qarax xoogan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay ka soo horjeedka Hotel Santaraal ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku taal maqaayad weyn oo laga cunteeyo  .

Jugta qaraxaan ayaa laga maqlay qeybo badan  oo maagaalada ah waxaana la sheegay in uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ku qarxay bartamaha Wadada in kasta oo aan la ogeyn halka uu u socday  waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay.

Goobta uu qaraxu ka dhacaya waxa ku yaal Hoteelo waweyn oo aad ay u Isticmaalaan Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta Dowladdu waxaa kale oo ku yaal Maqaayad dadku ay ka cunteeyaaan oo aad ugu dhow Labada Hoteel ee Santaraal iyo Naasa Hablood Labo ee magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media