DEG DEG:-Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay M/Boosaaso

Wararka aan goordhow ka helnay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari ayaa wax ay sheegayaan in qarax khasaaro geystay uu ka dahcay mid ka mid ah Xaafadaha Magaaladas.

Qaraxaan oo ahaa Bambada nooca Gacanta laga tuuro ayaa waxa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso xili ay marayeen Xaafada lagu Magacaabo Masjidu- Raxma ee Boosaaso.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in qaraxaasi uu ku dhaawacmeen ilaa  6 Ruux oo Shacab iyo ciidamo isugu jira.

Majiraan cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyada qaraxaas,waxana la sheegayaa in haatan Goobta qaraxa Ciidamada lagula weeraray ay si caadi ah ku soo laabatay.

Wixii ku soo koprdha kala socda Radiodalsan.com              

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media