DEG DEG:-Qarax iyo rasaas laga maqlay Magalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow qarax weyn laga maqlay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Dad ku nool Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland ayaa wax ay sheegeen in marqura ay maqleen jugta qaraxa,kadibna ay xigtay rasaas oo aan la ogeyn cida rideysa.

Warar kala duwan ayaa qaraxaas ka soo baxaya,waxaana wararka qaar ay sheegaayan in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi yuusuf Axmed oo uu ka socday shir looga hadlayay Amniga.

Sidoo kale waxaa warar kale ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa ismiidaamin uuna ka dhacay Goob ay ku sugnaayeen ciidamada isku-dhafka ah ee ka howlgalla Magalada gaalkacyo,isla markana lagu weeraray taliyiha  ciidamada isku-dhafka ah ee loo sameeyey amniga Magalada Gaalkacyo.

Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com