DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

War Goordhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in Ciidamo ka tirsan kuwa midowga Afrika ee AMISOM qarax lagula eegtay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Kolonyo ka mid ah Ciidamada AMISOM ayaa Goobjoogayaal waxa ay sheegeen in Miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay agagaarka Kuliyada Jaale Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas,waxana la sheegay in AMISOM ay rasaas farabadan furtay.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayay Ciidamada AMISOM xireen,kuwaas oo mararka qaar rasaasta ay kor u ridayaan.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media