DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Magaalada laas-Caanood

Wararka ka imaanaya qeybo ka mid ah Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax miino kaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa ka dhacay Gudaha Xero Barakac oo ku taala deegaanka Ari-Cade oo 30KM u jira Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Inta la xaqiijiyay qaraxaas ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 2 Ruux halka 20 kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo hada lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Laas-Caanood sida ay Dalsan u sheegeen dadka deegaanka.

Dadka ku waxyeeloobay qaraxaas ayaa waxaa lagu soo waramayaa in badankood ay ahaayeen dadkii ka soo barakacay abaartii ka dhacday qeybo ka mid ah Gobolka Sool.

Macada weli cida lala damacsanaa qaraxaasi Miino iyo cida meesha dhigtay intaba.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media