DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Ex Koontorool Afgooye ee M/Muqdisho

War Goordhow soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in qarax uu ka dhacay Ex Koontorool Afgooye kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa Miino lagu aasay dhulka kaas oo lala eegtay gaari nooca Cabdi Bilaha ah loo yaqaano oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda xili uu taagnaa meel dhowr tallaabo u jirta ex Koontorool gaar ahaan dhanka Wadada aada Warshadaha.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Goobta uu Gaariga yaalay ay aheyd Goob Gawaarida lagu aaryeeyo ee loo yaqaano Goomiistaha,islamarkaana ay dhaawacyo ka soo gaareen Saddex Askari oo ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media