DEG DEG:-Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir,gaar ahaan waaxda Hanti-Wadaag,waxana laga maqlay degmooyin kale ee ku dhow dhow degmadaas.

Qaraxa ayaa ahaa mid gaari loogu xiray Nin wararka qaar ay sheegayan in uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda basle weli aan sirasmi ah loo faah faahin.

Saraakiil kale oo ka tirsan Maamulka degmada Waaberi ayaa iyana waxa ay sheegeen in baaritaano ay wadeen,basle qaraxaas uusan geysan wax khasaaro ah marka laga reebo burbur soo gaarey gaariga.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaarey goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaas oo xiray Wadooyinka soo gala,iyaga oo dadka u diidaya in ay ku soo dhawaadaan gaariga.

Wixii ku soo kordha kala socda Radio Dalsan.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor