DEG DEG: Qarax Gaari oo Goor Dhow ka Dhacay Waabari

Wararka naga soo gaarayo degmada Waabari ee gobolka banaadir ayaa ku waramaya in goor dhow meel aan sidaa uga fogeen hotel Dayax uu ka dhacay qarax gaari.

Goob-joogayaal ayaa Radio Dalsan u sheegay in qaraxaasi gaariga loogu xiray Cabdishakuur Ciise oo ka tirsanaa shaqaalaha dowladda, wallow aan la ogaan shaqada uu uhayey dowladda, waxaana la sheegay inuu ka badbaaday qaraxaasi.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda oo wada baaritaan la xariira qaraxaasi.

Muqdisho maalmihii aanu soo dhaafnay waxaa ka dhacayey falal lidi ku ah amaanka, waxaana siyaabooyin kala duwan uga dhacay qarxyo loo adeegsaday gawaari.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media