DEG DEG:-Qalbi Dhagax oo goordhow Dalsan u xaqiijiyey in Xabsiga laga siidaayey

Kadib markii saacadihii la soo dhaafay ay soo baxayeen in Xabsiga laga siidaayey Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax ayaa Caawa Radio ay la xiriirtay si loo ogaado waxa ka jira siideyntiisa.

Suldaan Fowzi Maxamed Cali oo ah Suldaanka Qalbi Dhagax,isla markaana Gurigiisa uu ku sugan yahay markii xabsiga laga siidaayey ayaa Wareysi uu siiyey Dalsan waxa uu sheegay in iayda oo aan wax shuruud ah lagu xrin xabsiga laga siidaayey.

Sidoo kale waxaa Dalasn la hadlay Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax,in kastoo aan weli loo ogolaan in uu Warbaahinta la hadlo ayuu Dalsan u xaqiijiyey in xabsiga laga siidaayey,isal markaana uu ku sugan yahay Guri ku yaalla Magalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.

Suldaan Suufi Maxamed Cali ayaan weeydiinay cida gacanta ka geystay siideynta Qalbi-Dhagax,waxa uuna sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu kaalin ka qaatay siideyntiisa balse aysan wax lug ah ku laheyn dowladda Soomaaliya oo markii hore u gacan gelisay Itoobiya.

Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Madaxda Jabhada ONLF oo dagaal kula jirta dowladda Itoobiya ayaa waxaa 26 Bishii Augaust Sanadkii 2017 dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor