DEG DEG:-Puntland oo siideysay Kaluumeysato Ajnabi ah oo u xirnaa

Wararka naga soo gaaraya Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Maxkamada Darajada 1aad ee Puntland siideysay Kaluumeysatadaas.

Kaluumeysatada lasiidaayey oo u dhashay dalka Iiraan ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 17  kuwaas oo mudo 8 bilood ah xirnaa kadib markii Puntland ay xukun isugu jira lacag iyo Xabsi ku ridday.

Maxaabiista Kaluumeysatada ah ee u dhashay dalka Iiraan maantana lasiidaayey ayaa waxaa laga qabtay Xeebaha Maamulka Puntland.

Goordhow wixii kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com