DEG DEG:-Puntland oo goordhow Go’aan deg deg ah kasoo saareysa dagaalka Tukaraq

Wararka nagasoo gaaraya Magalada Garoowe ee Xarunat Gobolka Nugaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in haatan kulan deg deg ah uu halkaasi uga socdo Guddiga difaaca Maamulka Puntland.

Shirkaan oo ka socda Madaxtooyada ayaa wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in guddigu uu markale soo saari doono go’aano la xiriira xaalada deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool oo weli ay xiisad ka taagan tahay.

Wariyayaal ayaa haatan ku sugan Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kuwaas oo soo sheegaya in goordhow guddigu ay go’aano soo saari doonaan,isla markaana ay ka war sugayaan.

Guddiga difaaca Puntland ayaa maalin kahor waxa ay soo saareen in la mamnuucay in Gaadiid iyo Shacab intaba ay ku safraan Wadada u dhaxeysa Garoowe  iyo laas caanood gaar ahaan aaga dagaalada ay ka jiraan ee tukaraq.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media