DEG DEG: Nabadoon Goor Dhow Lagu Dilay Muqdisho

Wararka naga soo gaarayo degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in waxyar ka hor halkaasi lagu dilay Ugaas Cabduqaadir Ugaas farey oo ka mid ahaa waxgaradka degmadaasi.

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay dileen Marxuumka oo ku sugnaa degmadad Waabari ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa Radio Dalan u xqiijiyey dilka Nabadoon C/qaadir, islamarkaana sheegay inay baxsadeen kooxihii ka danbeeyey dilka.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaasi oo hada baaritaan ka wada qeybo ka mid ah degmada Waabari.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media