DEG DEG: Nabadoon Goor Dhow Lagu Toogtay Muqdisho

Wararka naga soo gaarayo degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in xaafada Albaraka ee degmadaasi goor dhow lagu dilay Allaha unaxariistee Nabadoon lagu magacaabi jiray Sayid Cali Cismaan Abtidoon.

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen Marxuumka, kadibna ay goobta isaga Baxsadeen.

Marxuum Sayid Cismaan Cali Abtidoon ayaa ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Galmudug, gaar ahaan magaalada Cadaado waxaana gabal dhicii maanta ay kooxo hubeysan ku toogteen degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Shalay ayey ahayd markii kooxo hubeysan ay degmada Waabari ku toogteen Nabadoon C/qaadir Ugaas Farey oo isna  ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee wax ka soo doortay baarlamaanka.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media