DEG DEG; Nabadoon Caan Ahaa Oo Lagu Dilay Magaalada Baladweyne

Dabley Hubeesan ayaa gabaldhicii maanta magaalada Baladweyne ku toogtay Nabadoon Xasan Oog oo caan ka ahaa Magaaladaasi.

Dilka ayaa la shaaciyay in ay geesteen labo ruux oo ku hubeesnaa bastoolado.

Nabadoonka ayaa la dilay xilli uu sii galayay gurigiisa oo ku yaala xaafada Buunda Weyn ee magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waa Nabadoonkii Labaad Todobaadkan gudihiisa lagu dilo Magaalada Baladweyne.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor