Kooxo hubeysan ayaa Gabaldhicii Caawa waxa ay Nabadoon Caan ah ku dishay qeybo ka mid ah duleedka Magaalada Muqdisho.
Nabadoonka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/llaahi Axmed Weydoow. waxa uuna ka mid ahaa Nabadoonada Caanka ah ee ku nool qeybo ka mid ah dueledka Muqdisho.
Nabadoonka ayaa Kooxaha hubeysan waxa ay ka dhex toogteen Gaari nooca raaxada ah oo ay wateen.
Macada cida ka dambeysa dilka Nabadoonka,waxana hada socda howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo Goobta gaaray.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com