Allaha u naxariistee waxaa Caawa Gudaha Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabadoon Axmed Diiriye oo ka mid ahaa Odayasha Dhaqanka Soomaaliyeed.
GeeridaMarxuumka ayaa waxaa xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Mamulk gobolka Banaadir Maxamed tuulah.
Mudooyinkii la soo dhaafay ayaa la sheegay in uu ku xanuunsanayay Gudaha Magaalada Muqdisho,isaga oo ugu dambeyn Caawa ku geeriyooday Isbitaalka Degfeer ee Magaalada Muqdisho.
Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed isla markaana siweyn u taageeri jiray dowladnimada Soomaaliya isaga oo sidoo kale Xubin ka ahaa Odayaasha Dhqanka Beelaha Hawiye