DEG DEG: Meydadka 100 ruux oo muhaajiriin ah ayaa laga helay badda Mediterraneanka

Ugu yaraan meydadka 100 ruux ayaa laga helay badda Mediterraneanka oo ku degtay doon waday ku dhawaad 700 oo ruux.

Wakaalada Wararka Mareykanka ee AP ayaa sheegeysa in meydadka dad gaaraya 100 ruux laga soo saaray badda Mediterraneanka.

Sido kale kooxaha gurmad waxa ay soo badbaadiyen dad kor u dhaafaya 300 oo muhaajiriin ah oo doonta saarnaa.

Weli waxa la la’yahay muhaajiriin kale oo laga yaabo iney weli biyaha ku jiraan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor