DEG DEG: Maxkamada militariga oo diiday racfaanka Xasan Xanafi,dilna ku xukuntay

Wariye Xasan Xanafi oo aad loola xiriiriyo Al Shabab ayaa saakay dib dil loogu xukumay kadib markii Maxkamada Militiriga ay diiday racfaan uu ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee hore loogu riday.

Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciiddanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa 3 bishan Maarso waxay dil toogasho ah ku riday Xasan Xanafi xaaji oo loo heysto dilka saxafiyiin badan oo hormuud u ahaa Saxaafada Soomaalida tan iyo sanadkii 2007dii.

Xasan Xanafi Xaaji C/salaam waxaa si gaar ah loogu soo oogay dilkii Suxufiyiinta kala ah: Mahad Axmed Cilmi, Cali Iimaan Sharmaarke, Saciid Tahliil Axmed, Mukhtaar Maxamed Hiraabe iyo Sheekh Nuur Abkey, kuwaasi oo lagu dilay Muqdisho.