DEG DEG: Madaxweyne Xasan Oo Sheegay In Doorasho Dadka Ay Codeeyaan Aysan Dhici Karin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gordhaweyd furay shirka New Deal oo Iminka ka socda Muqdisho ayaa ka hadlay qodobo muhiim ah oo ku aadan xaalada dalka.

Madaxweynaha ayaa si cad u qeexay in dalka aysan ka dhici karin doorasho min qof iyo cod ah sanada 2016-ka.

Mudane Xasan Sheekh ayaa xusay in amaanka dalka wali uusan gaarin heer shacabka ay codeeyaan balse 2016-ka ay ku rajo weynyihiin in dalka ay ka dhacdo doorasho xalaal ah.

Dhinaca kale waxaa Hal daqiiqo oo baroor diiq aamusnaan ah loo sameeyay dadkii waxyeeladda ka soo gaartay Qaraxii Hotel Jazeea maalintii Axada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor