DEG DEG: Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele oo dib loo doortay

Madaxweynaha imminka talada haya dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geele ayaa markale dib loo doortay sida ay muujineyso natiijada ka soo baxday Tirinta codadka.

Ra’iisul wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed ayaa Telefishinka Qaranka  wadankasi ka sheegay in Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele dib loo doortay.

Madaxweyne Geele ayaa talada dalka Jabuuti sii heyn doonna muddo 5 sanno waxaana shaki weyn hore looga muujinayay in isaga uu markale ku guuleysan karo doorashada.

Markii ugu dambeysay 2011kii ayuu ku guuleeystay Madaxweyne Geele doorashadii madaxtinimada isaga oo helay waqtigasi 80 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor