DEG DEG:-Madaxweyne Gaas iyo Golihiisa Wasiirada oo kulan deg deg ah ka leh xaalada tukaraq

Kulankaan deg dega ah oo ka socda Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magalada Garoowe ayaa waxaa shir guddoominaya Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sida aan wararka ku heleyno dagaalada kazoo cusboonaadaya deegaanka tukaraqy,iyada oo ay goobjog ka yihiin guddiga difaaca Baarlamaanka Puntland Xubno ka socda Golaah Wasiirada iyo Saraakiil ciidan.

Kulanka ayaa inta uu socdo waxa ay ka hadli doonaan sida laga yeelayo xaalada deegaanka tukaraq ay weli ka tagan tahay xiisada ka dhalatay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Go’aamiyo ayaa la filayaa in shirkaasi ay kazoo baxaan,waxana maalma kahor Madaxweynaha maamulka Puntland Cabduweli Gaas,uu sheegay in Muuse Biixi uu doonayo in uu qabsado dhul uusan laheyn.

Wixii kulankaas kasoo baxa kala socda Radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media