DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Degmada Afgooye

Waxaaa goor dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose safar lugta ah ku tagay wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaa soo diiran loogu soo dhaweeyey halkaasi.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyey Afgooye, qaar ka mid ah madaxda maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo aad loo adkeeyey amaanka, waxaana saakay hore hakad la galiyey dhaqdhaqaaqa gaadiidka, si la xaqiijiyo amniga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu booqdo xarumaha ciidamada dowladda ee gobolkaasi, isagoo kormeer ku sameen doono deegaano ka mid ah gobolka, gaar ahaan fariisimaha ciidamada dowladda oo dagaal kula jira Alshabaab oo ku xoogan Shabeellaha Hoose.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media