DEG DEG:-Madaxweyne Erdogan oo ku dhawaaqay Doorasho xilligeeda laga soo hormariyey

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa goor dhow ku dhawaaqay Doorasho Degdeg ah oo xilligeeda laga soo hormariyey in la qaban doono 24-ka bisha June ee soo socota.

Erdogan ayaa hadalkaasi ku sheegay War uu ka soo saaray Qasriga Madaxtooyadda Turkiga, kadib, markii uu kulan la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Xarakutul-qowmiyah (Nationalist Movement), Duluhu Bechili.

Hoggaamiyaha Mucaaradka waxa uu  shalay Hindise ahaan u soo jeediyey in la soo dedejiyo qabashadda Doorashadaasi, oo horey loo qorsheeyey in la qabto dhamaadka sannadka soo socda ee 2019-ka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media