DEG DEG: Madaxweynaha Soomaaliya oo Xeer madaxweyne ku meel mariyay Heshiiskii madasha wadatashiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya waxa uu ku sheegay inuu xeer madaxweyne ku ansixiyay heshiiskii madasha wadatashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kadib markii uu arkay in Baarlamaanka Soomaaliya uu culeys ku noqday ansixinta heshiiskan uu isaga go’aansaday inuu ku meel mariyo xeer madaxweyne kana wareejiyo baarlamaanka inuu arintan go’aan ka gaaro.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbaahinta u sheegay inuu go’aankan meesha ka saarayo kala qeybsanan baarlmaanka iyo niyad jab ku yimaad beesha caalamka oo isha ku heysa Doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan.

waxaan idin soo gudbin doonnaa Shirka jaraa’id ee madaxweynaha oo dhameystiran insha allaah.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor