DEG DEG: Madaxweynaha Soomaaliland oo Safar aan lasii Shaacin ugu duulay Imaaraadka

Madaxweynaha Mamulka Soomaalilnad Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa Maanta Safar deg deg ah ugu ambabaxay Wadanka isutaga Imaaraadka Carabta.

Safarka Siilaanyo,oo aan aheyn mid horay loosii shaacin ayaa waxaa ku wehliyay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada,iyadoona safarkiisa ay Warar kala duwan ka soo baxayaan.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi u aaday arimo Siyaasadeed halka dadka qaarna ay leeyihiin wax uu Casuumad ka helay Boqorka dalkaas.

Safarka Madaxweynaha Soomaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa ku soo adaya xili weli y taagan tahay xiisadii u dhaxeysay Wadamada Khaliijka Soomaalilnd ay taageertay Xulufada Sacuudiga ee xiriirka u jaray dowladda Qatar

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media