Deg Deg: Madaxweynaha Mareekanka oo Katharine Dhadhani U Magacaabay Danjiraha Mareekanka ee Soomaaliya

War Saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Xalay lagu sheegay in Dowladda Mareekanka ay u magacawday Katharine Dhadhani Danjiraha Mareekanka u fadhin doona Dalka Soomaaliya.

Warkasi waxa lagu sheegay in Katharine Dhadhani ay fariisin ka dhigan dooonto Dalka Kenya tan iyo inta uu ka soo hagaagayo Ammaanka Soomaaliya dibna looga furi doono Safaaradii ay ku lahaayen Muqdisho.

Katharine Simonds Dhadhani waxa ay leedahay qibrad weyn oo ah shaqadda Afrika waxana ay hore uga soo shaqeysay Dalalka  Zimbabwe, Gabon, Zambia iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareekanka waxa ay ku sheegeen Magacaabistan Caalamad muujineysa Sida Mareekanka ay uga go’an tahay Taageerida Dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareekanka Jen Psaki ayaa sheegtay in Magacaabistan Taariikhiga ah ay xoogineyso Xiriirka Labada Dal Soomaaliya iyo Mareekanka.

Psaki waxa ay sheegtayn in arrintan ay u ogolaan karto Mareekanka iney gacan ka geystaan Taageerada Horumarka Shacabka Soomaaliyeed oo ka soo kabanaya 20 sanno oo Colaad ah.

Safaaradii Mareekanka ee Dalka Soomaaliya ayaa la xeray Sanadkii 1991kii marka Dalka uu galay Dagaalo sokeeye.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor