DEG DEG: Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee G/Banaadir oo la qabtay

Wasaarada Amniga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ciidamada Amniga Soomaaliya howlgal ay ka sameeyeen Suuqaweyn ee Bakaaraha  ay Gacanta ku dhigeen Madaxii Amniyaadka dagaalyahanada Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.

Maxamed Abuukar Isloow(Ducaale) Wasiirka amniga soomaaliya ayaa goordhow Warbaahinta u sheegay in C/Waaxid Khaliif Axmed oo ahaa Sarkaalkii Madaxda u ahaa raga Al-Shabaab u qaabilsan dilalka ay ka fuliyaan muqdisho laga qabtay isla Magaalada muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa hadalkaan ka sheegay kulan looga hadlyayay amniga oo ay yeesheen Xubnaha Golaha Wasiiarda dowladda Federaalka Soomaaliya

Howlgallada Xasilinta Amniga Muqdisho ayaa welli ka socda Muqdisho iyada oo ciidanka Amniga feejignaan dheeri ah la geliyay.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com