DEG DEG: Madaafiic lagu tuuray Agagaarka Madaxtooyada oo lagu dhaawacay 4 ruux

Ugu Yaraan 5 Madfac oo lagu soo tuuray Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmen 4 ruux oo ah Dadka deegaanka sida uu Dalsan u sheegay qof Goob jooge ah .

Warar kale ayaa sheegaya in dad gaaraya laba ruux ay ku dhinteen Madaafiicda lagu soo tuuray Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya,balse weli Dowlada Soomaaliya ma aysan xaqiijin.