DEG DEG:-Maamulka Hir-Shabeelle oo Odayaal ku xir xiray M/Jowhar

Wararka aan ka heleyno Magaalada jowhar ee Xarunta maamulka hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegaayn in tiro Odayaal ah lagu xir xiray Gudaha Magaalada jowhar.

Odayaashaan ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwii ka  qeybgalayay wadadhadaladii Nabadeed ee lagu heshiisiinayay beelihii ku dagaalamay degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ka hor xariga Odayashaan ayaa la sheegay in looga yeeray howlka shirka balse markii ay tageen Gawaari lagu dabulay,sidaasna Xabsiga loo geeyay.

Ila Wareedyo ku sugan Magalada Jowhar  ayaa Dalsan u xaqiijiyay amarka lagu xiray Odayaashaan uu lahaa Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Wixii ku soo kordha kala socda https://www.radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media