DEG DEG: Labo Xildhibaan Oo Lagu Dhaawacay Muqdisho

Kooxo Hubeysan Ayaa Weeraray Gaari Ay Saarnaayeen Labo Xildhibaan Oo Ka Tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Weerarka Ayaa Ka Dhacay Wadada Muhiimka Ah Ee Makka Al Mukarama.

Xildhibaanada La Weeraray Ayaa Magacyadooda Lagu Sheegay Cabdalla Axmed Boos Iyo Yuusuf Dirir.

Gaariga Ay Saarnaayeen Mudanayaasha Ayaa Lagu Weeraray Gaari Kale Hase Ahaatee Xildhibaan Yuusuf Dirir Ayaa Weerarkaasi Ku Dhaawacmay Iyo Darawalkii Gaariga U Waday Mudanayaasha.

Dhaawaca Xildhibaanka Ayaa Loola Cararay Cisbitaalka Madiina Ee Magaalada Muqdisho.

Wixii Kusoo Kordha Halkan Kala Soco.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor