DEG-DEG: laba Qof Oo Dumar Ah Kuwaas Oo Ay Maalmo ka Hor D/wadajir Ay ku Af Duubteen Kooxo Dableey Ah Ayaa Goor Dhow Dib U Helay Xoriyadooda.

War soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan ee Muqdisho ayaa waxa ay shegayaan in ay Xuriyadooda ay dib u heleen lana Haween ah ku waas oo Maalma ka hor dabley hubeysan ay ka afduubteen qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir.

Kooxahaan dableyda ah ayaa mudo ka badan Sadax Maalmood haweenkaan gacanta ku hayay iyago aan la ogeyn kooxda dableyda ah waxa ay tahay iyo sababta ay haweenkaas u afduubteen.

Xogta ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegeysaa in haweenkaas kooxda dableyda ah ay si iskood ah usii daayeen balse lama cadeyn halkii  markii hore geeyeen ama la aadeen.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media