Waxaa goordhow Xarunta dowladda hoose ee Visha Governo ka furmay kuln loogu Magac daray Ololaha Aragti Wadaaga Hiigsiga Caasimadda kaas oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir.
Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed,Wsiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa,xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Munaasabada ayaa inta ay socoto waxaa dhici doona hadalo aragti isdhaafsi ah kaas oo ku saabsan Higsiga Caasimadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.
Hoos Ka Daawo Sawirrada