Ciidamada Xasilinta Amniga ayaa shalay ilaa xalay waxa ay holgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Yaqshiid ee gobolkaan Banaadir.
Howlgalka ayaa ciidamadu waxa ay ku baadi goobayeen Kooxo hubeysan oo xiliyada qaar dadka ku dhaca Mootada loo yaqaano Bajaajta taas oo Shacabka ay Cabasho ka keeneen.
Xalay Saqdii dhexe ayaa Masuuliyiinta Maaamulka Gobolka Banaadir,wax ay soo bandhogeen Mooto Bajaaj Midabkeedu yahay Cadaan iyo Saddex Rag ah oo mid ka mid ah uu yahay dhaawac kuwaas oo ahaa ragga mooto Bajaajka wax ku dhici jiray.
Raggaan ayaa lagu soo bandhigay Gudaha Saldhiga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Goordhow la socda faah faahinta Warkaas