DEG DEG:-Kooxo hubeysan oo Goordhow dil ka geystay Afgooye

Kooxo ku hu beysan Bustoolado ayaa Goordhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa  ay ku dileen Nin Dhalinyaro ah.

Ninkan Dhalinyarada ah ayaa kooxda ka dambeysay dilkiisa oo watay Mootada nooca labada lug leh ayaa waxaa la sheegay in ay ugu tageen Goob Ganacsi uu ku lahaa Xaafada Ceel Qode ee degamda Afgooye iyaga oo in taasi kadib Goobta ka baxsaday.

Ninkaan la dilay ayaa waxaa lagu Magacaab jiray  Abuukar Qaasim oo loo yaqaanay Tushiiba,iyada oo dilkiisa ay ka soo baxayaan  Warar kala duwan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska degmada Afgooye ayaa Goobta uu dilka ka dhacay gaaray kuwaas oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Wixii ku soo kodha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media