DEG DEG:-Kolonyo ay la socdeen Ciidanka Kenya oo qarax lala eegtay

Wararka naga soo gaaraya Magalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi dalka Kenya waxa ay sheegayaan in qarax khasaaro geystay lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya.

Qaraxaan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso waxaana lala eegtay Gaari ay wateen booliska Kenya xilli uu marayey deegaanka Bojigaras oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari keny.

Qaraxaas waxaa Warbaahinta gudaha Kenya u xaqiijiyey Guddoomiyaha magalada  wajeer Loyford Kibaara,waxana uu sheegay in ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah balse ay wadaan baaritaano.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa kenya ayaa u soo gurmaday ciidamada qaraxa lala beegsaday,waxana bur buray gaarigii uu qaraxa qabsaday.

Weli majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaas balse saraakiisha  booliska kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor