DEG DEG:-Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Xisbiga WADANI iyo Guddiga doorashooyinka Soomaaliland

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ee Maamulka Soomaaliland ayaa Goordhow  waxay shaaca ka qaadeen inay gabi ahaanba hakiyeen wada shaqayntii ka dhaxaysay xisbiga WADDANI iyo guddiga doorashooyinka .Somaliland.

Arrinatan ayaa ku soo aadeysa xili lagu jiro  tirinta codadkii doorashada madaxtooyada Maamulka Soomaaliland.

Saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI oo ahaa masuuliyiinta xisbiga u qaabilsan komishanka ayaa waxay shaaca ka qaadeen in guddiga komishanku ay waxba ka qaban waayeen iskana dhaga tireen cabashooyin ay xisbiga WADDANI u gudbiyeen guddiga doorashooyinka.

Sidoo kalena waxay soo bandhigeen waraaqo ay ku sheegeen kuwo been abuur ah  oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo loogu codeeyey xisbiga KULMIYE,sidaas darteedna ay  gabi ahaanba hakiyeen wada shaqayntii guddiga iyo xisbiga WADDANI.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media