DEG DEG:-Khasaaro ka dhashay Gaari lagu rasaaseeyay D/Dharkenleey

Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in la rasaaseeyay Gaari marayay Xaafada Suuq Liif ee degmadaas rasaastaas oo sababtay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Koox hubeysan oo wadatay gaari NOAH ah ayaa la sheegay in ay Gaari kale oo qooqan ah oo halkaasi marayay ay ku horjareen isla markaana ay rasaaseeyeen.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga ay laheyd xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug  isla markaana qoyskeeda ay waxyeelo ka soo gaartay.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dalsan u sheegay in Rasaastaas ay uu ku geeriyooday darawalka Gaariga waday, waxaana ku dhaawacmay Nin Gaarigaasi saarnaa oo Magaciisa uu ku sheegay Catoosh.

Xili Gaariga la weeraray ayuu  sheegay in uu ka yimid dhanka Garoonka Aadan Cadde, islamarkaana Ninka dhaawacmay uu soo qaaday Gaariga kaas oo ka yimid dalka dibadiisa.

Xiriir ayaan la sameynay Maamulka degmada Dharkenley si an uga helno xogo dheeraad ah oo falkaasi ku saabsan balse kama jawaabin taleefoonadeena.

Wixii dheeraad ah kala socda radiodalsan.com

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media