DEG DEG:-Khasaaro dhashay dad la socday Gaari meyd Siday oo lagu rasaaseeyay duleedka Muqdisho

War goordhow soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegaya in Gawari ay la socdeen dad rayid ah goordhow lagu rasaaseeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalaa muqdisho.

Gawaarida la rasaaseeyay ayaa waday Meydka qof Eheladooda ah oo geeriyooday si ay usoo aasan,balse rag hubeysan ayaa la shegay n mid ka mid ah Gawaarida Meydka siday ay rasaas ku furen.

Wararka hordhaca ah oo na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayn in ilaa iyo Lix ruux ay ku geeriyooden rasaastaas sidoo kale waxaa jira khasaaro dhaawac ah.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media