Deg Deg: Kenya oo Joojisay Duulimaadyadii ka tagi jiray iyo kuwii Imaan Jiray Soomaaliya

Ilo Wareedyo La hadlay Radio Dalsan ayaa u xaqiijiyay in Dowladda Kenya ay si toos ah Maanta u joojisay Dhamaan Duulimaadyadii ka tagi jiray iyo kuwii imaan jiray Dalka Soomaaliya.

Sababta Dowladda Kenya ay u joojisay Duulimaadyada ayaa lagu sheegay iney la xiriirto dhinaca Ammaanka.

Dalka Kenya waxa booqan doonna bisha soo socota Madaxweynaha Dalka Mareekanka Barak Obama iyo Xubno ka tirsan Qoyskiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor