DEG DEG:-Jug Culus oo Caawa laga maqlay Magalada Boosaaso

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa jug culus laga maqlay Gudaha Magaalada Boosaaso.

Ilaa iyo hada macada waxa ay tahay jugtaas,balse dadka qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in jugta kadib ay maqleen rasaas daba socotay.

Jugta xoogeeda ayaa laga maqlay in u dhaxeysa Hotelka Baana-Raama iyo Xalwo Kismaayo,islamarkaana dadka qaarkood ay sheegeen in  qarax uu yahay.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in jugtaas  ay aheyd Haamaha dabka laga dhaliyo oo qarxay i


n kastoo aan weli lacadeyn.

Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa haatan ku sugan Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kuwaas oo wada howlgallo baaritaano ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media